Go to ...
RSS Feed

Saturday, May 26, 2018

DHEGAYSO VOSWO RADIO: Falanqayn: Isbarbar-dhigga Fankii hore iyo ka xilligan ee Soomaalida


Dhegaysteyaal, todobaadkan waxaad barnaamijkeena ku maqli doontaan:

  • Maxaa u dhexeeya Fankii hore ee Soomaalida iyo Fanka waqtigan casriga ah ee hadda la joogo?
  • Sida ay bulshadu u kala xiiseeyaan Fankii hore, gaar ahaan waqtiyadii 1960-meeyadii, fankii dhexe ee 1980-yadii iyo ka waqtigan la joogo ee 2015;
  • Maxay Fanaantii hore iyo Fanaaniinta cusub ee dhalinyarada ahi ka yidhaahdeen kala duwanaanshaha Fanka Soomaalida; waqti-xaadirkan iyo waqtiyadii lasoo maray?

Barnaamijka kala soco, kuna dhugo waraysiyo xiiso badan oo arrimahaa ka hadlaya, kuwaasoo Idaacadda Codka Haweenka Somaliland la yeelatay Fanaaniin hore oo ka mid ah kuwa aadka looga yaqaano dhulka Soomaalida, kuwo dhexe iyo Fanaaniin cusub intaba.

 

HALKAN KA DHEGAYSO BARNAAMIJKAN OO DHAMMEYSTIRAN

————————————————————————————

Barnaamijka VOSWO Radio waxa soosaartay Muna Ibraahim Dhakhtar, waxaa soo-jeedinaysa Aamina Xasan Cawaale, waxaana ka qaybqaatay kooxdii 1aad ee gabdho Suxufiyiin reer Somaliland ah oo ay dhowaan Hargeysa ku tabobareen ururrada WIJA iyo Fanzingo.

Leave a Reply

More Stories From Programs

About voswo