Go to ...
RSS Feed

Monday, December 17, 2018

DHEGAYSO Barnaamijka Idaacadda VOSWO: Noocyada Dhibaatooyinka ay Haweenku kala kulmaan Gudniinka Fircooniga (FGM) iyo Waxyaabaha ay Diinta Islaamku ka qabto xadgudubyada Dhaqanka ku salaysan


Siday muujiyeen deraasaddaha u dambeeyay ee laga sameeyay, Gudniinka Fircooniga oo ah caado dhaqameed dalal badan laga isticmaalo, waxa uu heerkiisa isticmaalku Somaliland ka marayaa 99.8.

Haddaba, waxaynu barnaamijkan ku falanqayn doonaa dhibaatooyinka kala gudan ee ay Haweenku kala kulmaan Gudniinka Fircooniga, caafimaad iyo maskax ahaan intaba, maxay diinta Islaamku ka qabtaa isticmaalkiisa?, heerka isticmaalkiisu ka marayo dalka, aragtida bulshada reer Hargeysa qaarkood ka bixiyeen xadgudubkan haweenka ka dhan ah ee dhaqanka ku salaysan iyo qodobo kale oo la xidhiidha caado dhaqameedkan.

HALKAN KA DHEGAYSO BARNAAMIJKAN OO DHAMMEYSTIRAN

————————————————————————————

Barnaamijkan waxa soosaartay Hodan Maxamed Cabdi, waxaa soojeedinaysa Salma Maxamuud, waxaana ka qaybqaatay hawlwadeeno kale oo ka tirsan gabdhaha saxafiyiinta ah ee Radio VOSWO oo ah idaacadda Codka Haweenka Somaliland oo uu hirgeliyay ururka gabdhaha saxafiyiinta Somaliland ee WIJA.

Leave a Reply

More Stories From Articles

About voswo