Go to ...
RSS Feed

Thursday, August 16, 2018

DHEGAYSO Barnaamijka ICH ee VOSWO: Maxaad kala socotaa Duruufaha ku gedaaman ardayda Maqalka Naafadda ka ah ee Somaliland?


Dhegaysteyaal, waxa jira dhibaatooyin badan oo ay la kulmaan ama la nool yihiin dadka laxaadka naafadda ka ah ee ku sugan Somaliland, gaar ahaan kuwa maqalka naafadda ka ah.

Magaalada Hargeysa waxa ka jira dugsi ay wax ku bartaan ardayda Dhegooleyaasha ah, kaasoo ay dhowaan ka qalinjebiyeen ilaa 60 arday oo gabdho iyo wiilal isugu jira, qaarkoodna ay haatan isu diyaarinayaan inay galaan Jaamacaddaha dalka.

Haddaba, weriye Deeqa Maxamuud Xasan oo ka tirsan Idaacadda Codka Haweenka Somaliland ee VOSWO Radio, kana mid ah gabdho ay ururrada WIJA iyo Fanzingo dhowaan Hargeysa ku tabobareen ayaa waraysi gaara la yeelatay Yaasmiin Cabdiraxmaan Xasan oo ah maamulaha dugsi ay wax ka bartaan ardayda Dhegooleyaasha ah oo ku yaala xaafadda Sheekh Madar ee magaalada Hargeysa, waxayna ka warbixinaysaa xaaladda dugsigaas, marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray iyo sidoo kale duruufaha u gaarka ah ee ku gedaaman ama haysta ardayda Dhegooleyaasha ah ee Somaliland.

HALKAN KA DHEGAYSO WARAYSIGA MAAMULAHA DUGSIGA DHEGOOLEYAASHA

Leave a Reply

More Stories From Programs

About voswo