Go to ...
RSS Feed

Saturday, May 26, 2018

DHEGAYSO BARNAAMIJKA ICH ee VOSWO: Carruurta Darbi-jiifka oo ka hadlaya duruuftooda nololeed iyo noocyada dhibaatooyinka ay la kulmaan


Dhegaysteyaal, waxa jira carruur yaryar oo ku nool jidadka magaalooyinka Somaliland, gaar ahaan Hargeysa, kuwaasoo loo yaqaano Darbi-jiif.

Carruurtan oo badi da’doodu u dhexayso 7 ilaa 14 jir, waxa aan shaki ku jirin in duruufta nololeed ee ay ku jiraan ay aad uga duwan tahay nolosha iyo fursadaha kale ee ay haystaan kuwa da’ ahaan dhigooda ah ee kula nool caasimadda Hargeysa.

Haddaba, barnaamijkan gaarka ah waxaynu ku maqli doonaa warbixino iyo waraysiyo kala duwan, sida:

  • Carruur Darbi-jiifka oo ka waramaya noloshooda, noocyada dhibaatooyinka ay la kulmaan, sababaha iyo sidii ay noloshan usoo galeen;
  • Qaar ka mid ah Carruurta Darbi-jiifka ah oo ka hadlaya riyooyinkooda nololeed ee ay mustaqbalka jeclaan lahaayeen iyo waxyaabaha ay jecel yihiin in loo qabto;
  • Ma jiraan dhibaatooyin ay bulshadu kala kulanto Darbi-jiifka, maxaase ka mid ah?
  • Doorka iyo qorsheyaasha dawladda Somaliland ee ku saabsan daryeelka Caruurta Darbi-jiifka ah;
  • Sida ay nolol, aqoon iyo akhlaaq ahaanba isu bedeleen carruurta ku jirta Xarunta Daryeel Caruurta Darbi-jiifka ah ee ku taala degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa;
  • Kuwa dhaqan-celinta loo sameeyay, siday uga dareen celiyeen noloshoodii hore ee Darbi-jiifnimada iyo ta ay hadda haystaan?

HALKAN KA DHEGAYSO BARNAAMIJKAN OO DHAMMEYSTIRAN

————————————————————————————

Barnaamijka VOSWO Radio waxa soosaartay Faysa Cali Xuseen, waxaana soojeedinaysa Kaltuun Axmed Muxumed, waxaana ka qaybqaatay kooxdii 2aad ee gabdho Suxufiyiin ah oo ay dhowaan Hargeysa ku tabobareen ururrada WIJA iyo Fanzingo.

Leave a Reply

More Stories From Programs

About voswo