Go to ...
RSS Feed

Monday, October 15, 2018

DHEGAYSO Barnaamijka ICH ee VOSWO: Barnaamij gaara oo ku saabsan Dhibaatooyinka ka horyimaada Gabdhaha Suxufiyiinta ah ee ka hawlgala Somaliland


Dhegaysteyaal, waxa jira dad badan oo Soomaaliyeed oo fekrado khaldan ka haysta mihnadda Saxaafadda, kuwaasoo ay ka mid yihiin aragtiyo qofka shaqada Saxaafadda ku jira la maseeya Fanaanka ama qofka heesaaga ah ee bahda Fanka.

Haddaba, dhegayste; farqi noocee ah ayaad aaminsan tahay inuu u dhexeeyo hawsha Fanka iyo tan Warbaahinta?

Mawduucan waxaad ku maqli doontaan Barnaamij gaara oo ka hadlaya arrintaas iyo sidoo kale dhibaatooyinka ka horyimaada ama ay la kulmaan Haweenka Suxufiyiinta ah ee Somaliland, waxaana inoo diyaarisay, isla markaana soojeedinaysa Weriye Hoodo Ilyaas oo ka tirsan Idaacadda Codka Haweenka Somaliland ee VOSWO Radio, kana mid ah gabdho ay dhowaan Hargeysa ku tabobareen ururrada WIJA iyo Fanzingo.

 

HALKAN KA DHEGAYSO BARNAAMIJKAN OO DHAMMEYSTIRAN 

Leave a Reply

More Stories From Programs

About voswo